Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Muqdisho oo Saaka Xasiloon
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 29 2008
Muqdisho oo Saaka Xasiloon
Written by Ali Moallim   
Friday, 29 August 2008
Muqdisho,(insidesomalia.oeg)-Magaalada Muqdisho ayaa xalay iyo saaka aheyd mid degan, iyadoo aysan wax qalalaase ah dhicin saacadihii u danbeeyay, waxaana dadka Muqdisho ay hadal hayaan bisha Barakeysan ee Radamaan oo maalmo yar naga xigaan.
 
Jawiga Magaalada ayaa saaka laga dareemayaa deganaansho, iyadoo dadka Muqdisho ay sidoo kale hadal hayaan isbadal kooxaha ka soo horjeeda Dowladda laga dareemay maalmihii u danbeeyay, kadib heshiiskii Jabuuti ku dhex maray Dowladda iyo Mucaaradka oo horay looga bartay iney warbaahinta ka hadlaan xiliyada ay fuliyaan weerarada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
 
Kadib heshiiskii Jabuuti ayaa waxaad hoos u dhacay hadaladii kululaa ee kooxaha Mucaaradka gaar ahaan Garabka Maxkamaddaha Islaamiga in ay joojiyeen sheegashada guulaha dagaalada ay ka soo hoyiyaan, iyadoo dagaalada Muqdishana ay maalmahan noqdeen kuwo kooban oo marka ay dhacaan laga hadlin.
 
Dadka Muqdisho ayaa qaar ku tilmaamaya dhacdadan in ay qeyb ka tahay tixgelinta heshiiskii Jabuuti, walow ay jiraan kuwo diidan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo hadaladooda xitaa noqday kuwo aan badneyn.
 
Dhinaca Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaan wax hadal ah ka soo saarin in ay dhaqan galeen qodobadii heshiiskii Jabuuti.
 
Dadka ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa codsaday in mudada bisha barakeysan lagu guda jiro in dhibaatada shacabka loo geysanayo ee Madaafiicda iyo rasaasta la isweydaarsanayo laga joojiyo maadaama bisha Ramadaan ay tahay bil barakeysan oo ku jiro qeyr fara badan, loona baahan yahay in dadka ay bishaasi cibaadeystaan wixii Muslimiinta dhibayana iska joojiyaan.
 
 
 




 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >